DEG DEG Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Oo Gaaray Magaalada Baydhabo

0
347

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Bay halkaas oo ay ka socoto Xafladda Caleema saarka Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Koofur Galbeed iyo kuxi-geenkiisa.

Madaxweynaha waxaa la socda xubno wasiirro ah xildhibaano katirsan baarlamaanka siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale.

Xafladda lagu caleema saarayo Guddoomiyaha Barlamaanka Koonfur Galbeed  Cabduqaadir Shariif Shiiqunaa Maye iyo kuxi-geenkiisa ayaa si heer sare ah uga socota magaaalaada Beydhabo iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay ka daawan karaan tv-ga Qaranka oo toos u tabinaya xafladdaas.