Deg Deg Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu Oo Ku Dhaawacmay Werarkii Liido

0
1662

Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la soo shaqeeyay Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga ayaa la shegaya inuu ka mid ahaa Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii iyo Weerarkii lagu qaaday Maqaaxi ku taalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Wariye Macalimuu ayaa la Xaqiijiyay inuu Dhaawac ka soo gaaray Madaxa,inkastoo aan la sheegin Rasaas iyo Qarax waxa uu ka soo gaaray  dhaawacu.

Isbitaalka Madiina ayaa la geeyay Dhaawaca Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Sidoo  kale waxaa laga Maqlayaa Rasaas Maqaaxidii Weerarka lagu qaaday ee ku taalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho,iyadoo ay Ciidamada Dowladda halkaa wali Howlgal ka wadaan.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee Qaraxyada iyo Weerarka ka dhashay wali lama hayo,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Ammanka Soomaaliya.