DEG DEG Wasiiro Katirsan Xukuumada Iyo Safiirka Jabuuti Oo Gaaray Bullo-burde

0
355

Wafdi ka kooban wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaliya xildhibaano iyo Safiirka dowlada jabuuti ee soomaaliya ayaa goor dhaw gaaray magaalada Bullo-burde ee Gobolka Hiiraan,

Wafdiga gaaray degmada bullo-burde waxa hogaaminayay wasiirka gadiidka iyo duulista Hawada Xukumadda Soomaliya  Cali jaamac jangali ayaa maanta gaaray degmada Bula burde ee gobolka Hiiraan,

Xubnaha wafdigan gaaray degmada Bulla-burde waxaa garoonka diyaaradaha degmadaasi ku soo dhaweyay Maamulka Gobolka Hiiraan kan degmada bullo-burde odayasha dhaqanka  Saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM,

Masuuliyinta gaaray Magaalada Bullo burde ee Gobolka Hiiraan ayaa ujedkodu yahay ka qeyb galka xaflad xariga looga jaray Garoonka diyaaradaha degmadaasi oo dadka reer bullo-burde iyo Ciidamada Jabuuti ay ku sameyen dib u dhis xoogan.