{DHAGEYSO} Faah Faahin Dheraad ah Oo Kaso Baxeyso Dagaal Ka Dhacay Degaanka Goof-gaduud

0
606

Dagaalkan oo u dhaxeyay ciidamad Dowlada oo garab ka helaya kuwa AMISOM  iyo al.shabaab ayaa ka dhacay degaanka Goof-gaduud eek a tirsan Gobolka bay sida ay shegayaan wararka naga soo gaarao degaankaasi,

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo ku sugnaa deegaanka Goof-gadood,waxaana dagaalka ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka Tababarka iyo dhaqan celinta ee maamulka koonfur galbeed soomaaliya xasan xuseen maxamed oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay degaanka goof gaduud ayaa shegay in dagaalka uu ka dhashay qasaara xogan laakin wasiirka waxa uu sheegay in ay jiraan ciidama gurmad ah oo ka baxay magaalada baydhabo si ay garab u siiyaan ciidamada dowlada ee degaanka goof gaduud kula dagaalamaya al.shabaab,

Balse dadka deegaanka uu ka dhacay dagaalka ayaa sheegay in Labada ee dagaalamay isku adeegsadeen Hubka nuuyadiisa kala duwan,waxaana mararka qaar la maqayay jug culus oo madaafiic u muuqday.

Al-shabaab ayaa inta badan weerar ku qaada fariisimo ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ku leeyihiin deegaanada iyo degmooyinka dalka,waxaana weeraradaasi u badan yihiin kuwo ku dhifoo ka dhaqaaq ah.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka:-