Dowlada Kenya Oo Werarkii Ka Dhacay Ceel-cade Ku Edeysay Ururka Daacish

0
1032

Warbaahinta Dalka Kenya oo soo xiganaya Saraakiil sare sare oo ka tirsan Milatariga Kenya ayaa shegaya in Kenya ay aaminsan tahay in Kooxda Daacish ay laheyd Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceel-cadde 15-kii Bishaan.

Saraakiisha ayaa u sheegay Wareyska in Weerarka oo Aad u awood badnaa iyo Hubka loo Adeegsaday Ciidankooda uu u Ekaa midka ay qaadaan Kooxda Isku magacowday Khilaafada Islaamka Ee Daacish.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in ay baarayaan qaabka uu u dhacay Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Saldhiga Ciidamadooda ay ku lahaayeen Degaanka Ceel-cadde islamarkaana geystay  Dhimashada iyo Dhaawaca intaba.

Weerarka Ceel-cadde ayaa waxaa sheegtay Al-shabaab iyagoo shaaca ka dhigay in ay ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah.12 kalana ay Nolosho ku hayaan.

Kenya wali ma sheegin  Dhimashada iyo Dhaawac ka soo gaaray Ciidankeeda Weerarkii Ceel-cadde,iyadoo Garoonka Diyaaradaha Wilson Air-ports  Ee Magaalada Nairobi laga dajiyay Meydadka Afar Askari oo Kenyan ah iyo 30 Askari oo ka mid ahaa Ciidankii lagu lahaa Dagaalkii Ceel-cadde.