Ergada Soo Xuleysa Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Hiiraan iyo Sh.dhexe Oo maanta La Xareynayo

0
346

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya, kan mid ah Saxiixayaasha Maamulka Hiiran iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay in maanta la xareynaayo Ergooyinka soo xulaya Xildhibaanada uu yeelanayo Baarlamaanka Maamulkaasi.

Wajiga labaad ee Shirka ayuu sheegay inay tahay Xareynta Ergada si loo soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka uu yeelanaayo.

Ergada ayaa soo xulaysa Xildhibaanada, kadibna Xildhibaanada waxa ay dooran doonaan Madaxweynaha maamulkaasi uu yeelan doono, taasina waxa ay tahay hanaanka la doonaayo in loo maro Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Mahad ayaa sheegay in qorshaha uu yahay Dabayaqaada Bisha 2 aad ee Sanadkaan in lagu soo gaba gabeeyo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa siyaabo kala duwan u dhaliilaya sida uu ku socdo Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.