Hanaanka Doorasho Ee Lagu Heshiiyay iyo Qaabka Loo Soo Xulayo Baarlamaanka Iyo Aqalka Sare

0
565

Iyadoo la raacayo Baaqii Muqdisho ee 16kii Disembar, geeddi-socodka doorashada ee sannadka 2016 wuxuu ka koobnaan doonaa sameynta Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka labadaba. Guud ahaan metelaadda xubnaha Baarlamaanka waxay ku saleysnaan doontaa isku dheellitirka deegaanada iyo beelaha.

AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA:

• Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay noqonaysaa 275.

• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu qaybin doonaa habka 4.5.

• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haweenka.

• Codeynta iyo tirintu waxay ka dhacayaan mid kasta caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya (iyadoo qorshe gaar ah loo sameyn doono Soomaaliland).

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA:

• Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka isla mar baa la dhisi doonaa.

• Aqalka Sare ee Baarlamaanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.

• 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira, kuwa sameysmaya iyo kuwa mustaqbalka.

• Mid kasta oo ka mid ah dowlad goboleedyada federaalka waa inay ugu yaraan hal ka mid ah kuraasteedaa ay ku leedahay Aqalka Sare u qoondeyso dadka laga tirada badanyahay.

• Xubnaha 6da ah ee soo haray ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa si siman loogu qaybin doonaa Somaliland iyo Puntland, iyadoo la eegayo maqaamkooda iyo biseylkooda siyaasadeed iyo sida ay uga koobanyihiin tirada gobollada ugu ballaaran.

• Ugu yaraan 30% ee kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo qoondeyn doonaa haweenka.

• Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waa inay soo doortaan goleyaasha baarlamaanka mid kasta oo ka mid ah dowlad goboleedyada federaalka hadda jira iyo kuwa sameysmaya