Howlgalo Amaanka Lagu sugayo oo ciidamada dowlada ay ka sameeyeen magaalada Jowhar

0
569

Ciidamada isugu jira Milatari,Nabadsugid iyo Boolis ayaa saaka baaritaano  guryaha ah ka sameeyay qaar ka mid ah xaafadaha  magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe,halkaasi oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa ahaa mid guri guri  ay ciidamadu u galayeen xaafadaha magaalada Jowhar,waxayna ka soo saarayeen dhalinyarada iyo dadka lagu tuhmo inay xiriir la leeyihiin ururka Alshabaab.

Ciidamada ayaa xabsiga dhigay illaa labaatameeyo ka mid ah dhalinyarada ay soo qabteen iyadoo dhalinyaradaas su’aalo lagu weydiinayo.

“Howlgaladan baaritaanada ah ayaan ka sameynay xaafado ka mid ah magaalada Jowhar waxana aan ku soo qabqabanay dhalinyaro aan uga shakinay inay xiriir la leeyihiin Alshabaab waxana lagu sameyn doonaa baaritaan.”ayuu yiri General Axmed Xasan Maalin oo horkacayay howlgalkan baaritaanada ah.

Howlgalada noocaasi oo kale ah ayaa ciidamada inta badan waxay ka sameyn jireen xaafadaha magaalada  Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, balse waana arrin ku cusub shacabka magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa haatan ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada iyo kan baarlamaanka iyagoo gogolxaar u ah shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan oo haatan la filayo in wajigiisa labaad dhowaan uu ka furmo magaalada Jowhar.