HRW oo sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay ku dileen Gobolka Oromada 140 Banaan baxayaal ah

0
513

 Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee fadhigeeda yahay Mareykanka Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya ay dileen illaa 140 ruux oo dibad baxyaal ah ka soo horjeeday dowladda.

Dibad baxyada oo bilowday bishii November ee sanadkii hore ayaa ka dambeeyay markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday qorshe magaalada Caasimada Addis Ababa loogu darayo dhulka Gobolka Oromada ah.

Go’aanka dowladda Itoobiya ayaa waxaa ka carooday dadka beeraleyda oo u arkay mid caqabad ku ah, maadaama dhulka la rabo Caasimada in lagu daro ay yihiin beero, iyadoo kadib ay bilowdeen dibad baxyo.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Itoobiya ay toogteen dibad baxayaasha, isla markaana dileen 140 ruux, halka tiro intaas ka badan ay dhaawaceen.

Dowladda Itoobiya ayaa bishii December sheegtay in dibad baxayaasha ay ku dhinteen 5 ruux, waxaana ay ku eedeysay in dibad baxayaasha ay hubeysnaayeen.

Qowmiyadda Oromada ayaa ah dadka ugu tirada badan Itoobiya, waxaana lagu qiyaasay 40%, hase ahaatee waxay in muddo ah ka cabanayeen siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan oo loo gacan bidxeeyay.