JubbaLand oo iska fogeysay in Ciidanka Ethiopia Kismaayo u tageen sugida amniga magaaladaasi

1
451

JubbaLand oo iska fogeysay in Ciidanka Ethiopia Kismaayo u tageen sugida amniga magaaladaasi

Afhayeenkamaamulka Jubba Land C/naasir Seeraar oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubba ayaa been abuur ku tilmaamay warar maamul u danbeeyay la isladhexmarayay oo ku aadanaa in Ciidanka Ethiopia ee dhawaan gaaraya Kismaayo ay la wareegayaan amaanka xarunta lagu qabanayo shirka madaxasha wadatashiga Qaran ee todobaadka soo socda ka furmaya magaaladaasi.

 

Wuxuu sheegay Mr Seeraar in Ciidanka Ethiopia ee gaaray Kismaayo ay qeyb ka yihiin Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM,islamarkaana wax shaqo ku lahayn la wareegitaanka amaanka Kismaayo iyo halka shirka lagu qabanayo,isagoo dhanka kale cadeeyay in Ciidanka Ethiopia Kismaayo ku joogaan Mandateka AMISOM.

 

Afhayeenka Maamulka Jubba Land ayaa ku micneeyay ujeedka Ciidanka Ethiopia u gaareen Kismaayo ay tahay iney la dagaalamaan wuxuu ugu yeeray Cadowga uu ku sifeeyay ururka Al-shabaab oo ku sugan qeybo ka tirsan deegaanada Jubbooyinka.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ayaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayo,kuwaasi oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee ka dhanka ah Al-shabaab,waxaana Ciidankaasi la sheegay iney la wareegayaan amaanka goobta uu shirka madasha Wadatashiga Qaran uu ka dhacay iyo guud ahaan Kismaayo,balse maamulka Jubba Land ayaa arintaasi markii ugu horeysay waxba kama jiraan ku tilmaamay.

 

Comments are closed.