Maamulka Puntland Oo Wado Qorshe Lagu Balaarinayo Dhismaha Dekada Bosaaso

0
538

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiid Badda ee Maamulka Puntland C/llaahi Jaamac Saalax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkiisa Puntland ay wadaan howlo mashruuc ah oo dib u dayactir loogu sameynayo Dekada weyn ee magaalada Boosaaso.

Dekada magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari waxay ka mid tahay ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Puntland in dhawaan ay bilaaban doonaan Qorshaha la doonao in lagu balaariyo Dekada Boosaaso,wuxuuna carabka ku adkeeyay iney u baahan yihiin gacan laga siiyo sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Dekada oo muhiim u ah Shacabka Puntland dhaqaalahoodana uu ku tiirsan yahay.

Wasiir C/llaahi Jaamac Saalax ayaa Shacabka Puntland ee ku kala sugan gudaha iyo dibada ugu baaqay iney door muhiim ah ka qaataan dib u dayactirka lagu sameynayo Dekada magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan dib u dayactir xoogan ku sameeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee Bandarqaasim,kaasi oo ay maalgelisay Dowlada Talyaaniga,waxaana furitaanka Garoonkaasi ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo madax kale oo gudaha iyo dibada ka yimid.