Madaxweynaha Eritrea Oo Shegay In Dalkiisa aysan Ka Jirin Wax Cuna Yari ah Kadib Markii….

0
515

Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa iska diiday in waddankiisa ay kusoo wajahan tahay cabsi laga qabo cuno-yaraan, kaddib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in abaaraha iyo dabeysha El Nino ay Waddamada Bariga Afrika ku sababeen in Mallaayiiin qof ay u baahdaan gar-gaar bani’aadamnimo Caalami ah.

Roobabka dabeylaha wata ee El Nino ayaa la sheegay inay Sababeen inay kordheen Dadka gargaarka u baahanaya ee gobolka Geeska Afrika ku nool, inkastoo Madaxweynaha Eritrea Afwerki oo dalkiisa xayiraado ay saaran yihiin ayaa sheegay inaysan jirin cabsi ay qabaan.

Madaxweyne Afwerki ayaa ku Ammaanay xukuumaddiisa inay xoogga saartay siyaasadda iyo hababka lagu adkeynayo keydka cunnada ee muhiimka u ah waddankiisas.

Bishii November ee sannadkii lasoo dhaafay ayay Qaramada Midoobay ka digtay in Eritrea ay ka mid tahay waddamada gobolka ee khatarta ay ku hayso cunno-yarida.

“Dabeylaha Daadadka wata ee El Nino ayaa Noqonaysa tii ugu xumaa ee Abid la Diiwaan-geliyo, Taasoo sababtay xaalado Aadamnimo oo gobolka Bariga Afrika ku dhuftay, iyadoo sidoo kale keentay in Dalagga Beeraha uu hoos u dhaco 50% – 90% guud ahaan Gobolka,” ayaa lagu yiri warbixin ay QM soo saartay horraantii bishaan.

Marka la eego Eritrea waxaa yar hay’adaha gargaarka caalamiga ah ee loo ogol yahay inay ka howl-galaan. Halka Qaramada Midoobay ay xaqiijisay in aad loo Xaddiday Goobaha ay tegi karto Eritrea oo dhan, iyadoo Gar-gaarka shacabka Dalkaas loogu talo-galay uu yahay mid xukuumadda lagu wareejiyo.

Kumannaan qof ayaa Eritrea ka Carara bil walba, kuwaasoo sheegaya in ay ka baxsanayaa iyadoo lagu qasbo inay ciidammo noqdaan iyo xad-gudubyo ka baxsan bani’aadamnimada.

Qoxootiga ka cararaya Ertirea ayaa kaalinta saddexaad ka galay Qoxootiga galaya Qaaradda Yurub, marka laga reebo qoxootiga ka cararaya dalalka Afgaanistaan iyo Suuriya.