Madaxweynaha Gaas Si Adag Uga Hadlay Natiijadii Kasoo Baxday Shirkii Ka Dhacay Muqdisho

0
542

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay go’aankii kasoo baxay shirkii madasha wadashiga qaran ee caawa kusoo dhamaaday Muqdisho .

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn go’aankii kasoo baxay shirka madasha wadashiga qaran, waxa uuna xusay in Puntiland aysan marnaba u cuntameyn natiijada kasoo baxday shirka Muqdisho ugu soo dhamaaday Madaxda Dowlada iyo kuwa maamul goboleedada dalka.

…Waxaan halkan ka cadeenayaa anigoo ku hadlaya magaca Puntland in aanan aqbalayn go’aankaas, ma ahan mid ay isoo wakiisheen shacabka Puntland go’aanka shirka kasoo baxay , shacabka Puntiland rabitaankooda ayaan ku shaqaynayaa” ayuu yiri madaxweyne Cabdiweli Gaas

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntiland in xiligan nasiib daro tahay in dib loogu laabto nidaamka qabaa’ilka ee 4.5, waxa uuna cadeeyay in nidaamka qabaa’ilka ee 4.5 in uu hortaagan yahay hormarka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Shirkii kusoo dhamaaday Caawa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la isku raacay in Baarlamaanka Soomaaliya lagu soo xulo nidaamka 4.5 halka aqalka sare ee Odayaasha isna lagu soo xulayo qaab deegaan