Madaxweynha Puntland oo shaaciyay jiritaanka shir kale oo ay isku arki doonaan madaxda dalka

0
522

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay inuu jiro shir kale oo ay isku arki doonaan madaxda Soomaalida,kaasi oo looga tashanayo aayaha Soomaaliya iyo in go’aan rasmi ah looga gaaro nuuca doorasho ee sanadkaan ka dhaceysa dalka.

C/wali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in shirkii Kismaayo ee madasha Wadatashiga aan lagu gaarin go’aan rasmi ah oo dalka lagu gaarsiin karo doorasho,balse wax badan la isaga soo dhawaaday.

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhawaan lagu soo gabagabeeyay shirka madasha wadatashiga oo daba socday shirar horay dalka uga dhacay,kuwaasi oo looga hadlayay aayaha Soomaaliya iyo nuuca doorasho ee la doonayo in dalka ay ka qabsoomtay sanadkaan gudihiisa,waxaana shirarkaasi dhamaantooda ay ahaayeen kuwo la isku mari waayay.

Madaxweynaha Puntland ma uusan shaacin waqtiga rasmiga ah ee shirkaasi uu furmayo,balse wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntland ay shirkaasi tagi doonto,islamarkaana madasha Wadatashiga hor dhigi doonaan aragtida Shacabka Puntland ay ka qabaan nuuca doorasho ee dalka ka hirgeli karta.

Madaxweynaha Maamulka Jubba Land Axmed Max’ed Islaam “Axmed Madoobe” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka xiga uu ka dhici doono magaalada Kismaayo oo madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada looga fadhiyo go’aanka kama danbeysa ee aayaha Soomaaliya.