Man United & Chelsea Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Edinson Cavani, Kooxdee Ayuuse Dooran Doonaa?

0
549

Maamulka kooxda PSG ayaa u ogolaadeen in Edinson Cavani uu bishan Janaayo bixi karo balse waa hadii dalab raali galiyo miiska loo soo saaro.

Warbixintan waxay dhiiri galisay kooxaha Man United iyo Juve oo Paris ku wargaliyeen inay diyaar u yihiib iibsashada weeraryahanka reer Uruguay.

Wargesyada Corriere Dello Sport iyo Metro ayaa xaqiijiyeen bixitaanka Cavani iyo dadaalada ay wadaan kooxaha Juve iyo Man United oo doonayaa maal maha ka harsan bishan Janaayo inay xidigan gacanta kusoo dhigaan.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in kooxda PSG ay aqbali doonto qiimo u dhaxeeyo €30 million (£22.9 million) iyo €40 million (£30.6 million) midaasna waxay u sahli kartaa Man United inay si dhaqsi ah xidigan ula soo saxiixato.

Cavani wakiilkiisa ayaa sheegay in sedex naadi ay fariimo usoo kala direen kuwaas oo kala ah Man United, Juventus iyo Inter Milan wuxuuna ka dhawaajiyay in maal maha nagu soo fool leh ay go’aan rasmi ah qaadan doonaan.

Cavani xiriir wanaagsan lama lahan macalinka kooxda PSG Laurent Blanc sidaa dartee xidigan inuu isbadal naadi sameeyo waa arin uu ku qasban yahay