Naadiga Saxafiyiinta Hiiraan Oo Soo Dhaweeyay sii daaynta Wariye C/risaaaq Siiriya

0
505

Naadiga Saxafiyiinta Hiiraan ee Journalists Club ayaa Maanta Soo Dhaweeyay sii daaynta Wariye C/risaaaq Siiriya oo mudo ku dhaw bil u xernaa Hayada Nabad Sugida Qaranka.

Gudoomiayaha Naadiga Saxafiyiinta Hiiraan ee HJC Jamaal Cali Cabdi Ayaa Sheegay in Suxufiyiinta Hiiraan ay aad uu soo dhaweynayo sii deynta Wariye C/risaaaq Siiriya oo lagu sii dayaay damiin uu sameyay Abaaha dhalay Wariye C/risaaaq Siiriya,

Naadiga Saxafiyiinta Hiiraan Journalists CluB ayaa uga mahad-celiyay dhamaan intii gacanta ka geysatay in wariye Siiriya uu xorriyadiisa dib u helo inkastoo aan wali la ogeyn Sababta ay Hay’adda Nabad-sugidda Qaranku u xirtay wariyahan iyo dambiga loo haysto.

 

Somaliya waxaa ay ka mid tahay Wadamada ay tacadiyada ugu badan kala kulmaan wariyaasha ka shaqeyna waxaana loo geystaa dil, Dhaawac ,xariga iyo Caga jugleyn dhinacyada wax ka maamula Gobalada dhibaatada ay ku hayaan Wariyaasha ma jirto cid kula xisaabtanta.

siiriya