Ninkii soo abaabulay Weerarkii lagu qaaday Xeebta Liido oo gacanta lagu dhigay isaga oo Nool

0
534

hay’ada Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay Nin la rumeesan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambeesay Weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa xaqiijiyay in nolol lagu qabtay maskaxdii ka dambeesay Weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido, waxaana ninkan sida Wararka lagu helayo laga qabtay isla xeebta Liido intii uu weerarku socday.

Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ayaa sidoo kale toogasho ku dilay inta badan ragii weerarka ku qaaday baarar kuyaala xeebta Liido oo lagu qiyaasay 8-ilaa 6 nin oo katirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya C/Risaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen maskaxdii ka dambeeyay Weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay Xeebta Liido.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ninkan la qabtay ay ciidamada baadi goob ugu jireen loona heestay abaabulka weerar hore loogu qaaday Hotel kale oo kuyaala Magaalada Muqdisho, waxa uu sidoo kale Wasiirka xaqiijiyay in la dilay dhamaan ragii weerarka ku qaaday xeebta Liido.

Weerarkii xalay lagu qaaday Baarar kuyaala xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ayaa socday saacado aad u badan, waaana Weerarka ay Ciidanka Nabad Sugida qaranka soo afjareen xalay xili dambe , iyagoona soo bad baadiyay dad badan oo ku go’doonsanaa dhisaha Baarka la weeraray