Raisul Wasaaraha Soomaalia Oo Soo Gaaray Beledweyne

0
535

Raisul wasaaraha soomaaliya cumar cabdi rashiid iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa soo gaaray magalada beledweyne ee gobolka hiiraan safarka raisul wasaaraha ku yimid beledweyne ayaa waxaa ku wehlinyay safiirka jabuuti u fadhiya soomaaliya  wasiirka wasaarada amniga xukuumada soomaaliya xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaaliya iyo saraakiil ciidan .

waxaa garoonka diyaaradaha ugaas  khaliif ku soo shaweeyay ra isul wasaaraha iyo wafdigiisa madaxda maamulka gobolka hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada beledweyne waxana safarkoodu ku saleysan yahay sagootinta ciidamada hiil walaal ee jabuuti oo howlo nabad ilaalin ah u joogay gobolka hiiraan kuwaa oo lagu badali doono ciidamo hor leh oo ka socda jabuuti

waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu soo gaaro beledweyne madaxweynaha jabuuti cismaan ciil cumar geele oo qaban qaabada soo dhaweyntiisa ya ka socoto beledweyne waxii warar ah oo kusoo kordha waxaad kala socon doontaan wararkeena danbe insha allah