Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran Oo Goor Dhaw Lagu Wado Inuu Ka Furmo Kismaayo

0
320

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa maanta Magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furaya Shirka Madasha Qaran ee lagu Go’aaminayo Nuuca Doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta Sanadkaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maamulka Jubbaland ayaa Xaqiijiyay Furitaanka Shirka Maanta ka dhacaya Magaalada Kismaayo.

Shirkaan ayaa lagu waday inuu qabsoomo 10-kii Bishaan’iyadoo uu baaqday mudo Afar maalin ah.

Shirka ayaa inta uu Kismaayo ka soconayo ayaa waxaa kamid ah Qodobada Hareyn doona In Degaan wax lagu soo doorto iyo in la Joogo Nidaamka 4.5 Ee hadda ay ku dhisan tahay Dowladda federaalka Soomaaliya.