Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta Kismaayo ka furmaayo

1
447

MagaaladaKismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, maanta oo Isniin ah waxaa si rasmi ah uga furmaayo Shirka Madasha WadatashigaQaran ee looga arinsanaayo nooca Doorasho ee Somaliya la filaayo inay ka dhacdo bartamaha sanadkaan.

 

Kismaayo waxaa isugu tagay madax kala duwan oo ka kala socota Dowlad Goboledyada dalka ka jira iyo xubnaha Beesha caalamka qaarkood.

 

Ammaanka Magaalada Kismaayo, ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Magaalada ka socota howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo oo ciidamada Maamulka Jubbaland ay halkaasi ka sameeyeen.

 

Waxaa Magaalada laga sugayaa inay maanta tagaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo la filaayo furitaanka shirkaasi inay ka qaybgalaan.

 

 

Shirkaan ayaa lagu go’aamin doonaa nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceysa sanadka 2016-ka Bartamihiisa.

 

Maamulada shirkaan ka qaybgalaya ayaa ku kala aragti duwan Doorashada la filaayo in Somaliya ay ka dhacdo.

 

Qaar ka mid ah Maamulada ayaa doonaya in hab deegaan Doorashada ay ku dhacdo, halka qaarna ay doonayaan 4.5 in lagu saleeyo Doorashada.

 

Comments are closed.