Shirkii Magaalada Kismaayo ka Furmi lahaa oo dib u dhacay

0
456

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu dib u dhacay Shirkii 10-ka Bishaan ka furmi lahaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee lagu Go’aamin lahaa Aayaha Soomaaliya 2016.

Shirka ayaa horay waxaa loo sheegay in 10-ka Bishaan January uu ka dhici doono Magaalada Kismaayo islamarkaana Madaxda Soomaalida ay ku go’aamin doonaan Doorashada ka dhici doonta Sanadkaan 2016 iyo qaabka ay noqoneyso.

Inkastoo aan la shaacin Sababta ayaa warar aan helnay waxaa ay sheegayaan in dib u dhaca loo maleenayo Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay ka qeyb galayaan Munaasabad ku aadan 2 Sano Guuradii ka soo wareegatay Markii la doortay Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku aadan 8 bishaan January iyo Furitaanka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo asna Xariga laga jari doono.

Shirka ayaa la sheegay in dib loo dhigay ilaa 20-ka Bishaan aan ku jirno,kaas oo ka dhici doona isla Magaalada Kismaayo.