Tahriibayaal Isugu Jira Soomaali iyo Ethiopian ah Oo Lagu Qabtay Dalka Tanzania

0
325

Ciidamada booliska dalka Tanzania ayaa xiray 80 ruux oo Soomaali iyo Ethiopian ah kuwaasi oo la aamisan yahay iney ka tageen dalka Koofur Africa, waxaana la dhigay xabsi xuduuda ku yaala.

83 Tahriibayaasha Soomaalida ku jiraan ayaa la sheegay in lagu qabtay xuduuda ay wadaagaan dalalka Tanzania iyo Malawi kuwaasi oo la sheegay iney doonayeen iney kasii gudbaan dalka Tanzania.

Saraakiisha booliska dalka Tanzania ayaa sheegay in dadka Tahriibayaasha lagu qariyay gaari aysan awood u heli laheyn iney helaan hawo nadiif ah oo ay ku neefsadaan, waxaana halis gashay naftooda.

Taliyaha ciidamada booliska ee deegaankaTahriibayaasha lagu qabtay mr Kakamba ayaa sheegay in dhalinyarada ay qabteen halis geliyeen naftooda maadaama qaarkood ay suuxeen hawo la’aan darted.

Wuxuu sheegay in xaalad xun ay galeen maadaama gaadiid aan wanaagsaneeyn isku qariyeen, waxaana uu sheegay in ciidamada ay ka daahi lahaayeen qabashadooda ay halis ugu jireen iney gaariga ku dhex dhintaan.

Tahriibayasha ayaa la qabtay xili ay kusii wajahnaayeen koofurta magaalada Mbeya, waxaana lagu xiray isla deegaanka.