Taliska Taraafikada Wadooyinka Oo Shegay In Maxkamada ay Gudbi Donaan Dadka Jabiya Sharciga Wadooyinka

0
306

Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee “Taraafiko” General Cali Maxamed Cali oo Maanta Shir Jaraa id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in ay Maxkamad u gudbin doonaan Wadayaasha gaadiidleyda ee jibiyay Sharciga Wadooyinka iyo Wadista gaadiidka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay mar welibo ganaaxan Wadayaasha gaadiidleyda isla markaana aysan waxbo ka tareyn ganaax iyo digniino kalena.

Taliyaha ayaa sidoo kale u digay dadka gawaarida xawliga ku wada ee shilalka gala kuwaasi oo uu sheegay in ay dhibaato ku yihiin shacabka.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee “Taraafiko” General Cali Maxamed Cali ayaa digniin u diray dadka gaadiidkoodu uu shilka galay ee Arrimahooda shilalka la xaliyay balse aan soo doonan gaadiidkooda iney yimaadaan taliska soona doontaan gaadiidka.

Waxa uu tilmaamay in ay go’aano ka soo saarayaa hadii ay soo doonan gaadiidkooda, isla markaana ay Dowlada la Wareegeyso gaadiidkaasi.