UNHCROo Uga Digtay Soomalida in ay Badda u Maraan SocdaalkaYemen

0
283

Hay’ada qaxootiga QM ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa ka digtay khatarta in badda ay maraan Soomali badan oo doonaysa in ay dib ugu noqdan dalka Yemen.

Afhayeenka hay’adaasi Andirian Edwards ayaa sheegay in 36-qof ay ku dhinteen marin biyeedka horaantii sanadkaan waa marin biyeedkii ay sanadii tagtay ay ka gudbeen 92-kun oo Soomaliya iyo Ethiopian iskugu jira oo tagay Yemen.

Afhayeenka waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in tirada Soomalida iyo kuwa Ethiopian ee Muhajirinta ay si kordheen ayna ku abuureyso walaac xoogan.

Mas’uulkaan ayaa xukuumadaha Soomaaliya iyo Ethiopia ku booriyay in ay ka hor istaagan kooxaha wax tahriibiya sii wadista dhaq dhaqaaqyadooda dadka ku tahriibinayaan.