Ururka Al.shabaab Oo Qabsaday Degmada Badhaadhe Ee Gobolka Jubada Hoose

0
488

Wararka ka imaanaya Degmada Badhaadhe oo ka tirsan Gobolka Jubadda hoose, ciidamada Kenya ayaa isaga guuray oo faarujiyay dhamaan Saldhigyadii ay ku lahaayeen Degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay ka qalab qaateen Magaalada oo ay u jiheysteen dhanka Xuduuda, waxaana Magaalada soo galay oo qabsaday ciidamo ka tirsan Shabaabka.

Ciidanka Shabaab oo aad u hubaysan ayaa la wareegay guud ahaan Maamulka Degmada Badhaadhe iyo Saldhiyadii ciidanka Kenya ay ku sugnaan jireen.

Saraakiil ka tirsan Shabaabka ayaa dadka isugu yeeray goob fagaare ah oo ay ugu Khudbeeyeen, waxaana ay u sheegeen in hada kadib Maamulkii Shabaab uu dib uga howlgeli doono Badhaadhe.

Dadka Badhaadhe ku sugan ayaa soo food saartay cabsi la xiriirta in loo dhibaateeyo xiriirkii ganacsiga ee dhexmaray Bulshada deegaanka iyo ciidanka Kenyan-ka ahaa ee Magaalada ka baxay.

Sidoo kale ciidamada Kenya waxaa horay u sii raacay ciidamadii Somalida iyo Maamulka Degmada Badhaadhe ee Jubbaland.