Waa Sidee Jaamacadda Gaarisa Oo Dib Loo furay, 9 bilood kadib Weerarkii Al-Shabaab

0
279

Jaamacadda Gaarisa ayaa maanta si rasmi ah loo furay, kadib sagaal bilood oo ay ka soo wareegatay weerarkii Al-Shabaab sanadkii hore ku qaaday Jaamacadaas, halkaasoo ay ku dishay in ka badan 140 ruux oo u badnaa Arday.

Maamulka Jaamacadda Garisa ayaa sheegay in dib loo bilaabay howshii Jaamacadda, iyadoo ardaydii dhiganeysay Jaamacaddaas ay maalinta Isniinta ay waxbarashadooda dib u bilaabi doonaan.

Bishii la soo dhaafay ayaa Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto oo booqday Jaamacadaas waxaa uu ku dhawaaqay in dib loo furayo Jaamacadda Gaarisa ee Gobolka waqooyi bari.

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Gaarisa ayaa soo dhoweeyay dib u furista Jaamacadda, waxaana qaarkood ay ku leeyihiin goobo ganacsi oo ay Ardayda wax ka iibsadaan.

Jaamacadda ayaa waxaa laga hirgeliyay Saldhig Boolis oo lagu sugayo ammaanka, waxaana ku sugan labaatameeyo ciidamo ah, kuwaasoo si gaar ah u ilaalin doona Jaamacadda, si ardayda ay baqdin la’aan wax bartaan.

Weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ayaa ahaa kii ugu xumaa ee soo mara Kenya, tan iyo sanadkii 1998-dii, sidoo kale Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabtay in weeraro ka geysanayo gudaha Kenya, iyadoo ka dalbatay in Ciidamadeeda kaga sugan Soomaaliya kala baxdo.