Wafdood Kala Duwan Oo Soo Gaaray Magaalada B/weyne Si Ay Kaga Qeyb Galaan Aaska Ugaas C.raxmaan

0
375
????????????????????????????????????

Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ay ku soo qulqulayan wafood kala duwan si ay kaga qeyb galaan aaska ugaas c.raxmaan ugaas khaliif ugaas rooble ayaa waxa maanta soo gaaray degmada b.weyne wafood kala duwan,

Wafooda soo gaaray baledweyne ayaa isugu jiraan ugaasyo odayaal dhaqamed culimaa-udiin waxgarad aqoon yahano masuuliyiin horay xilal kala duwan ugu soo qabtay dowladihii dalka soo maray waxana garoonka diyaaradaha ku soo dhawe maamulka gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada b/weyne.

Shalay ilaa iyo maanta magaalada b.weyne ee xaruna Gobolka hiiraan waxa soo gaarayay masuuliyiin ka tirsan dowlada ugaasyo aqoon yahanno ganacsati qurba joog iyo dadweyne kale kuwaa oo donaya iney ka qeyb qaataan aaska ugaas c.raxmaan ugaas khaliif oo shalay ku geeriyoday Magaalada B/weyne.

Goor Dhaw la Soco Sawirada Wafooda Soo Gaareya Magaalada Baledweyne Inshaa allaah.