War Deg Deg ah’ Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Xumna Hogaaminayo Oo Gaaray Dhuusamareeb

0
485

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ayaa goordhaw gaaray Magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunnawaljameeca ayaa garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xubnaha la socda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanadii ku wehliyay socdaalka  ayaa loo galbiyay xarunta maamulka ee Magaalada Dhuuso Mareeb halkaas ay kulamo kula qaadan doonaan Saraakiisha hogaamisa Ururka  Ahlu Sunna Waljameeca oo maamusha qeybo kamid ah Galgaduud.