WAR DEG DEG AH.Wasiirka Amniga oo ka hadlay Qaraxii Maqaaxida The Village

0
312

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed  ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay maqaayad ku taala sarta Hooyooyinka ee degmada Xamar weyne.

Nin  isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa galay maqaayadda oo ay ku sugnaayeen koox wariyeyaal ah iyo dad kale oo goobta ka shaahayay waxaana damaciisu ahaa in uu dilo  dadka halkaasi isugu tegay, balse qaar mid ah suxufiyiinta oo ka shakiyay ninka isqarxiyay ayaa goobta isaga cararay, taasi oo yareysay qorshihii uu ku doonayay in uu dadka ku laayo.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa Qaraxa  uu fashilmay, isla markaana uu aad u yaraaday in qasaare intaa ka badan ay ka dhashaan falkii uu isku qarxiyay Qofkaasi, maadaama dadkii ka shakiyay ay goobta isaga carareen.