War Deg Deg:- Qarax Sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Guriga Hooyooyinka

0
328

War deg deg ah oo hada naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Qarax Ismiidamin ah uu ka dhacay Maqaayad ku taallo guriga hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ah mid Ismiidaamin ah, ayaa waxaa fuliyay nin dhalinyaro ah oo waxyaabaha Qarxa isku soo xiray, kaasi oo soo fariistay maqaayada, kadibna halkaasi isku qarxiyay.

Qaar ka mid ah Suxufiyiin ku sugnaa Maqaayada Qaraxa uu ka dhacay, ayaa sheegay inay ka shakiyeen ninka oo aysan horay muuqiisa u arkin, kadib markii uu soo ag fariistay goob ay Wariyeyaasha fadhiyeen.

Ilaa hada lama ogaan karo Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay Qaraxaan Ismiidaaminta ah ee uu fuliyay ruux naftiis halige ah.

Jugta Qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay mar qura Nawaaxiga Madaxtooyada Somaliya.

Ciidamada Ammaanka Dowladda, gaar ahaan kuwa Nabad Suggida ayaa tagay goobta Ninkaan uu isku qarxiyay ee Maqaayada ku taallo guriga hooyooyinka, waxaana ay xireen halkaasi.