WAR DEG DEGAH : Qarax lagu weeraray Maqaayad ku dhow Xeebta Liido

0
542

Wararka ka imaanayo magaalada muqdisho  ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay Xeeb Liido gaar ahaan maqaayada Beach View oo dad badan ay xilliyadii galabta u damaashaad iyo shaah cabid tagaan.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa nuuc gaari loo adeegsaday,waxaana xigtay rasaas ay weysadaarsadeen kooxo hubeysan iyo ciidamadii ilaalada ee maqaayada.

Lama oga qasaaraha ka dhashay weerarka,waxaana wali la  maqlayaa rasaasta ka dhex dhaceysa maqaayada Beach View sida wararka nagu soo gaarayaan.

Maqayaayada ayaa la sheegayaa iney ku sugnaayeen markii weerarka uu dhacayay dad isugu jiray madax iyo dad rayid  ah wixii ku soo kordha la soco.