Wariye lagu dhaawacay Buuhoodle oo Maanta la soo gaarsiiyay Magaalada Laascaanood ee G/Sool

0
727

Wariye Xuseen Xasan Cadde oo Puntland TV uga soo warama degmada Buuhoodle oo ay dhaawaceen kooxo aan hayb-tooda la garanayay ayaa dhaawiciisa lasoo gaadhsiiyay Isbitaalka Al-Manhal ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Suxufigaan oo Habeen hore jir dil loogu gaystay Gudaha Buuhoodle ayaa Wuxuu sheegay isagoo hadalku ku adag yahay inay rag aanu aqoonsan ay ku billaabeen garaacid illaa uu ka miyir beelo.

“Ma jirto cid colaad ay naga dhexeysay ama hanjabaad ii soo dray… mana odhan karo cid baan tuhmayaa,” ayuu yidhi Weriye Xuseen Xasan, isgaoo ka jawaabayay inuu jirto cid uu u maleynayo inay dhibaatadan u geysteen.

Sidoo kale, Wariyaha hooyadiis oo lagu magacaabo, Khadra Maxamed Cabdi oo Isbitaalka ku sugnayd ayaa iyaduna ka warrantay dhibaatada gaartay inankeeda iyadoo ku baaqday in si deg-deg ah wax looga qabto dhibaatadan la gaadhsiiyay inankeeda.

“Waxaa aniga la ii soo sheegay in inankaygii la dilay, laakiinse markaanu tagnay halkii uu yaallay, waxaan aragnay isagoo nool,” ayay tidhi Hooyo Khadro, iyadoo intaa ku dartay in ay rajadeedu soo noolaanayso mar haddii uu hadlayo, laakiin waxay xustay in dhaawiciisu uu u badan yahay qaarka sare, gaar ahaan madaxa.

Dhanka kale, waa markii u horreysay ee wariye ay waxyeello gaarsiiyaan koox is-qarinaya, iyadoo bahda Warbaahintuna ay arrintan walaac xoogan ka muujinayaan, waxayna sheegay inay socdaan baadhitaanno hoose; ayna haatan tuhuno la raaci karo.

Ugu dambeyn, Degmada Buuhoodle ma laha laamo ammaan oo sheqeeya, waxaase ka jira xeerarka qabiilka oo awood wax qabad leh marka caddaymo lagu kalsoonaan karo la helo.

dhawaxwariye buuhoodle