Wasiir Odawaa “Ergada Shirka Hiiraan iyo Sh.dhexe waa inay ka fekeraan Astaanta , calanka iyo Magaca Maamulka”

0
306
????????????????????????????????????

Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Federaalka Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa sheegay Ergada ka qaybgalaysa Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe in laga doonaayo ka fekerka magaca, Astaanta iyo calanka uu yeelanaayo Maamulka la sameynaayo.

C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay masuuliyad saaran inay tahay Ergada inay keenaan arimahaasi, maadaama masuul ay ka yihiin dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh. Dhexe.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaliya waxa uu tilmaamay Dowladda Somaliya inay fududeynayso Shirkada, laakiin ka fekerka magaca iyo masuuliyadeeda inay saaran tahay Ergada Shirka.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jowhar ka furay Shirka Maamul U Sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, inkastoo ay jiraan Odayaal qaar oo reer Hiiraan iyo sh/dhxe  oo Shirka ka soo horjeestay.