Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Magaalada Jowhar

0
293

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee  Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa galabta Gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabellaha dhexe islamarkaana ay taallo Gogosha Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa halkaa waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyinta Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horay u joogay Magaalada Jowhar.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa u tagay Degmada Jowhar inuu goobjoog ka noqdo Xareynta Ergooyinka soo xuli doona Baarlamaanka uu yeelan doono Maamulka loo sameynayo Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay inuu yahay kii igu danbeeyay ee Dowladda Soomaaliya ay sameyso ee Nidaamka Federaalka ah.