Xukuumada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Shirkii Mdasha Wafa Tashiga Qaran Ee Lagu Soo Gabagabeyay Muqdisho

0
475

Xukuumada  ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay war murtiyadeedkii laga soo saaray shirkii madasha wadatashiga Qaran ee ka socday magaalada Muqdisho,kaasi oo diirada lagu saarayay go’aan nuuc doorasho oo ka dhacda sanadkaan Soomaaliya.

Sidoo kale,Dowladda Soomaaliya ayaa sharaxday sababaha keenay in maamulada Puntland iyo Somaliland ay aqalka sare ku yeeshaan 11-xubnood halka maamulada kale ee jira helaan 8-xubnood,taasi oo la micna ah iney 3-xubnood ay dheer yihiin.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye,ayaa sheegay in sababta loogu gol lahaa ay tahay seddex siyaabood oo kala ah in Labada maamul Somaliland iyo Puntland ay ka weyn yihiin maamulada kale ee hada dhismay marka loo eego deegaanada ay ka taliyaan,weyna ka gobolo badan yihiin marka loo eego gobolada kale iyo sidoo kale midda seddexaad oo ah iney ka nidaam adag yihiin.

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay go’aankii laga soo saaray shirkii wadatashiga Qaran ee Muqdisho,waxayna ku tilmaamay inuu yahay go’aan aan u cuntameyn shacabka Puntland.

Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay heshiiskii lagu gaaray madasha wadatashiga,waxayna ku tilmaameen talaabo horay loo qaaday.