Tuesday, December 12th, 2017
Advertisements
Advertisements

Arsenal Oo Si Dirqi Ah Ugu Gudubtay Kama Danbeyska Tartanka FA Cup-ka iyo man city oo la macsalameeyay

Published on April 24, 2017 by   ·   No Comments

Muusan aheyn kulan ka tirsan horyaalka premier league waxaaa uu aha kulan ka tirsan afar dhamaadka tartanka FA Cup-ka kaasoo ay isugu soo hareen seddex koox oo London ka dhisan iyo kooxda City oo gobolka Manchester ka timaada inkastoo shalay Chelsea ay iska xaadirisay Wembley taasoo usoo awood sheegatay kooxda ay horyaalka ku wada tartamayaan ee Tottenham.

Wuxuu ahaa kulan ay dad weynaha dhan ay wada sugayen kaso ay adagtahay kulan sidan oo kale in si fudud aad ku adkaato, sidoo kale meysan noqon sida laga filayey kulanka maadaama kooxaha aysan sameynin weeraro halis ah inkastoo ay jiren min fursad iney haleen qeybtii hore ee ciyaarta.

Pep Guardiola macalinka hogaamiya kooxda Manchester City ayaa hadlay ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta kaasoo shaaca ka qaaday in ay garanayaan sida loogu ciyaaro garoonka Wembley balse maanta loo baahanyahay in si sidaa ka wanaagsan loo ciyaaro maadama uu yahay kulanka kulan Semi Final oo aad isaga hareyso tartanka hadii laga adkaado.

Intii lagu guda jiray qeybtii hore ee ciyaarta waxaa shabaqa soo taabtay kabtanka kooxda Arsenal Koscielny inkastoo calansidaha dhanka midig uu tilmaamay in uu yahay mid garab dhaaf ah.

Manchester City ayaa cadaadis la kulantay ka dib markii Silva uu qeybta hore dhaawac kasoo gaaray waxaana ciyaarta kusoo biiray xidigii hore kooxda Liverpool Starling kaasoo loo xil saaray in uu qabto shaqada Silva bilaawgii ciyaarta loo soo xil saaray.

Sidoo kale kooxda Citiziens-ka lagu naaneeso ayaa la timid gool inkastoo sida Arsenal ku dhacday oo kale laga diiday goolkaasi.

 

Qaar ka mid ah jamaahiirta kooxda City ayaa soo qaateen boorar ay ku xardhanyihiin “Come On City” oo lagu soo xardhay koobka FA Cup-ka oo  gacan ku samees ah halka qaarkoodna ay Guardiola ay siinayeen dhiira galin.

Markii dib lisugu soo ciyaarta xidigaha kooxda City ayaa u muuqdeen kuwa lagu soo canaantay qolka labiska kooxda kuwaasoo kusoo galeen ciyaarta dar dar xoogan.

Gool!!! Daqiiqadii 62-aad Sergio Aguero ayaa gool u ansaxiyey kooxda City kaasoo ay uga dhignayd in uu dhaliyay ogoolkiisa 12-aad ee dhamaan taratmada xili ciyaareydkan uu u saftay kooxda City.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Farxaan Booq oo guuldarro ka bad baadiyay Ciyaartooyda Puntland

December, 12, 2017
Xulka difaacanaya koobka ee Puntland ayaa waqti dambe bar baro ka helay Hirshabeele ciyaar xiiso badan oo ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Cayaar Mucjiso ah oo Galabta dhaxmartay Kooxaha Kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Puntland

December, 12, 2017
Kooxaha Kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Puntland ayaa Galabta ku soo bandhiggay Garoonka Kubadda Cagta Banaadir  Stadium Cayaar u muuqaal ...