Al-shabaab oo Ceelcadde ku dilay Nin ka tirsanaa oo ay ku eedeeyeen in uu la hadlay Farmaajo

0
39

Xarakada Al-shabaab ayaa Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ku toogtay C/laahi Cali Shire (Baxar),kaas oo ay Al-shabaab ku eedeeyeen in uu Taleefanka kula hadlay Madaxweyne Farmaajo.

Baxar,ayaa Al-shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu maalmihii la soo dhaafay ku howllanaa in Ciidamada Al-shabaab ay isku dhiibaan Dowladda Soomaaliya.

Khilaadka u dhaxeeyay Sarkaalkan ka tirsanaa Al-shabaab iyo xubnaha kale ee Al-shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa degaankaas sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Baxar,waxaa uu horay u noqday Guddoomiyihii hore ee Baardheere,waxaana ay Al-shabaab ku eedeeyeen in uu Ciidamada Al-shabaab ku qalqaalinayay in ay ka faa’ideystaan cafiska uu madaxweyne Farmaajo siiyay Dhallinyarada u dagaallanta Al-shabaab.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ka hor dilka ay Al-shabaab Hubka dhigis ku sameeyeen Ilaalada Cabdullahi Baxar oo Madaxweyne Farmaajo ku heyb ah waxaana kaddib hawada laga saaray isgaarsiinta degaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here