Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalo ay la galeen Ciidamada Itoobiya, Burundi, Uganda & Kenya

0
37

Ururka Al Shabaab, ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ay la galeen Ciidamada Militariga Itoobiya, Burundi, Uganda iyo Kenya, ka dib markii ay isu wajaheen afar ka mid ah Gobolada Somaliya.

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay kula dagaalameen Gobolada Hiiraan, Shabellaha Dhexe, Shabellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Afhayeenka, ayaa sheegay Ciidamada Itoobiya in ay kula dagaalameen Gobolka Hiiraan, iyadoo Ciidamada Burundi ay kula dagaalameen Gobolka Shabellaha Dhexe, Ciidamada Uganda ay iyana kula dagaalameen Gobolka Shabellaha Hoose, halka kuwa Kenya ay kula dagaalameen Gobolka Jubbada Hoose.

C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay dhammaanba dagaaladan oo Ciidankooda ay qaadeen, in khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ku gaarsiiyeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here