Al-shabaab oo Shaqaale Kenyan ah ku dilay Gobolka Waqooyi Bari Kenya

0
30

Wararka ka imaanaya Degaanka Shimbir oo hoostaga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Gaari ay la socdeen Shaqaale Kenyan ah,waxaana Weerarkaas uu geystay Dhimasho iyo Dhaawac.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kenya ayaa Xaqiijiyay in Weerarkaas lagu dilay Labo Ruux oo ahaa Shaqaale Dhanka Caafimaadka ah,waxaana lagu dhaawacay Labo Kale.

Saraakiisha u hadlay Kenya ayaa sidoo kale sheegay in Shabaabkii Weerarka geystay ay Goobta ka baxsadeen.

Shabaab ayaa dhowr Jeer Weeraro Khasaare dhaliyay ka fuliyay Gudaha Kenya,gaar ahaan Gobolka ay Soomaalidu degto ee horay loo oran jiray NFD,balse Kenya ay ula baxday Gobolka Waqooyib Bari Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here