Alshabaab oo isaga baxaya deegaano ka Tirsan Gobolka Shabellaha hoose

0
15

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada ururka Alshabaab ay bilaabeen inay ka baxaan deegaano ku yaal gobolka Shabellaha hoose gaar ahaan deegaanada ku yaal xeebta Badweynta Hindiya.

Dagaalyahano isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ayaa la sheegay inay ka baxeen deegaanka Gendershe ee xeebta Badweynta Hindiya iyagoo  u dhaqaaqay deegaanada caanka ku ah beeraha ee ku yaal gobolka Sh/hoose. Sidoo kale ciidamada Alshabaab ayaa galay dhul buuraley ah oo ku yaal deegaanka Jilib Marka.

Ka bixitaankan ayaa la sheegayaa in ay ka dambeysay kadib markii ay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo ciidamo AMISOM ay gaareen duleedka Gendershe.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku soo laab laabtay dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaab Sidoo kale waxaa ka jira gobolka Sh/hoose howlgalo ay si wadajir ah u fulinayaan ciidamo si gaar ah u tababaran oo isugu jira Soomaali iyo Maraykan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here