Amarkii Madaxweynaha Soomaaliya oo saakay ka dhaqan galay degmada Afgooye.

0
24

Suuqyada iyo Gaadiidka Afgooye ayaa saakay laga qaadin wax canshuur kadib Amarkii shalay ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in la joojiyo Gabi ahaanba Canshuurta Degmada Afgooye ilaa Amar danbe.

Dadka ku Ganacsada degmada Afgooye ayaa  sheegay in aysan Saakay Arkin Ciidanka ka tirsanaa Maamulka Degmada ee Canshuurta ka qaadi jiray Goobaha Ganacsiga iyo Gaadiidka taas oo dadka aad usoo dhaweeyeen madaama markii Hore dhib badan ay ku qabeyn.

Cnashuurta degmada Afgooye ayaa waxaa lagu qabay dhibaato badan waxaana loo dilay dad badan oo rayid kadib muran soo kala dhex galay sidoo kale canshuurta laga qaado dadka ayaa waxay gali jirtay gacan shaqsiyaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here