{AQRISO} Nuxurka Khudbadaha Madaxda Somalida iyo Caalamka ka jeediyeen Shirka London

0
48

London: Magaalada London ee xarunta Dalka Ingiriiska waxaa ka furmay Shirka Soomaalida iyo Beesha Caalamka,waxaana hadallo ka jeediyay madaxda ka qeybgelaysa Shirkaas.

Khudbadda ugu horreysay waxaa qaatay Ra’isalwasaaradda Ingiriiska Taresa Maywaxaa naga go’an in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro 2020-ka,waxaana waajib ah in beesha Caalamka ay qaadato kalainta kaga aadday Soomaaliya,waxaa sidoo kale naga go’an in isbeddelka 4ta Sano ee Soomaaliya la hirgeliyo”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo:waxaan ku baaqeynaa in nalaga caawiyo dagaalka argagixisada,waxaa kale oo aan codsaneynaa in nalag cafiyo deymaha lagu leeyahay sida ay sameeyeen Waddamada Jaamacadda Carabta oo deymihii ka cafiyay Soomaaliya,dagaalka Al-shabaab waxaan ku soo dhameyn karnaa wax ka yar labo sano haddii aan si rasmi ah ugu howlgalno,waxaa kale oo aan codsaneynaa in si rasmi ah nalooga qaado cunaqabateynta hubka ee Golaha amaanka nasaaray 1992dii,haddii maamukeyga uu fashilmo adinkaa noo sheegi doona,la xisaabtan ayaan diyaar u nahay waana qaadaneynaa waxa soo baxa”.

Xog-haya guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres “waxaan rajeynayaa in Soomaaliya dhawaan uu ka soo yeero war u wanaagsan Caalamka oo dhan,dhowr jeer ayaan Soomaaliya booqday markii iigu dambeysay AMISOM ayaa na ilaalineysay,kaliya Soomaaliya ma ilaalinayaan ee dunida oo dhan ayey ilaalinayaan,waxaan ogahay abaaraha ka jira Soomaaliya,waxan horay uga soo shaqeeyay Dhadhaab iyo Doolow,hadda waxaa ay Soomaaliya u baahan tahay $900 Milyan  oo Doollar si wax looga qabto abaarta inta aysan macluul isu beddelin, deymaha oo laga cafiyo Soomaaliya waxaa ay niyad dhis u tahay  Dowladda Federaalka ah,waxa aan soo jeedinayaa in dhamaan Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya ay helaan hal tababar oo kali ah,Qaramada Midoobeyna waa ay taageeri doontaa”.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed :” waa in la taageeraa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM,haddii aysan taas si rasmi ah u dhicin dhamaan guulihii la gaaray waxaa ay isu beddeli doonaan guul darro aad u xun,Al-shabaab waa laga adkaaday laakiin lama cirib tiring,Shirkan waa Fursad ay ka soo bixi karto qorshe lagu jebiyo Al-shabaab”.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni “ Uganda waa saaxiibka 1aad ee Soomaaliya,6dii March 2007dii Ciidankii ugu horreeyay ee AMISOM ayaan geynay Muqdisho,kaddibna waddamada kale ayaa soo galay iyaga oo AMISOM ka tirsan,Soomaaliya waa in ay heshaa dowladnimo dhameystiran,dhibka ugu weyn ee Soomaaliya heysta waxa weye in aysan Soomaaliya lahayn Siyaasiyiin Waddaniyiin ah,waxaana ka awood badan qablaayadda,waxaaan soo jeedinayaa in Al-shabaab lagu qaado dagaal yaab leh oo lagu cirib tiro,taas waxaa ay ka wanaagsan tahay in la siiyo waqti badan oo ay fasax ku helaan,waxaan soo jeedinayaa in Somaliya yeelato axzaab waddaniyiin ah,meelna iska dhigaan aragtida qabyaaladda”.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ” waxaan soo jeedinayaa in weerar isbaheysi ah lagu qaado Al-shabaab si looga saaro Gobolka,waxa aan ku baaqayaa in Adduunyado si rasmi ah u taageerto Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM islamarkaana la joogteeyo qarashka AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliya”.

Ra’islawasaaraha Itoobiya Desalegn “Waxaan ku baaqayaa in Soomaaliya qeyb ahaan laga qaado cunaqabateynta hubka ah ee saran,waa inaan u istaagnaa caawinta dowladda Soomaaliya,Al-shabaab wali dagaal ayey qaadayaan Qatar ayey ku yihiin Gobolka,hadda waxaa ay ciidankeenna kula dagaallamayaan Halgan oo Hiiraan ka tirsan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here