Ciidaamada Ethiopia ayaa Goor dhoweed ku dilay Degaanka Beerxaano wiil iyo aabahii

0
31

Ciidaamada Ethiopia ayaa Goor dhoweed ku dilay Degaanka Beerxaano wiil iyo aabahii oo dhowr iyo sideetan jir ah ka dib markii mid ka mid ah gaaridooda Miino lagula qarxiyay Koonfurta Degaanka Beerxaano.

Ilo lagu kalsoon yahay oo degaanka ku sugan ayaa Radio Hiiraanweyn u sheegay Shidane Axmed Xaashi iyo Axmed Xaashi Tuurow 85 Jir lagu dilay Gurigooda oo ka fog goobta qaraxu ka dhacay.

Beerxaano ayaa Magaalada Muqdisho dhinaca Waqooyi ka xigtaa ilaa 305 KM Ciidanka Ethiopia ayaa sidoo kale la sheegay in ay jir dil u geysteen dad badan oo degaanka ah.

Ciidanka Maanta Qaraxa loo dhigay ayaa ka yimid dhinaca Dagmada  Halgan iyadoo weerar shalay lagu qaaday xili ay soo galayeen Degaanka Nuur Fanax Maadaafiic lays weydaarsaday ayaa waxaa ku dhintay Gabar toban jir ah laba caruur oo kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here