Ciidamo gadoodsan oo xiray wadooyin muhiim ah

0
28

Ciidamo gadooday ayaa xiray magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ivory Coast, ee Bouaké, kaddib markii ay rasaas kor u rideen, arrintan waxa ay qeyb ka tahay muran soo socday oo ku salaysan gunnooyin aanan la bixin.

Jimcihii askar gadooday oo ku sugneyd dhowr magaalado ayaa waxa ay dowladda ka dalbadeen inay bixiso qeybtii labaad ee lacagta ay u ballanqaaday bishii Janaayo, markaa oo badelkeedana ay soo afjareen kacdoonkii ay wadeen.

Dowladda ayaa waxa ay sheegsaa in aanay awoodin inay bixiyo wax ka badan 8 kun oo doolar oo ay siiso askarigiiba kuwaas oo ka kooban kumannaan qof, sababo la xiriira qiima jabka ku yimid miraha cocoa, oo ah wax soo saarka ugu ballaaran ee dalka Ivory Coast.

Askar badan ayaa sheegay inay go’aankooda ku adkaysanayaan inkastoo afhayeen u hadlay uu Khamiistii taleefishinka ka sheegay in ay codsigoodii ay ku dalbanayeen in kharashkoodii lagu siiyo ay xillagan hakiyeen.

Magaalada Bouaké waxa ay ku taal waqooyiga dalka waxa ayna udub dhexaad u aheyd gadoodkii goor hore dalkaasi Ivory Coast ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here