Booliiska dalka Iiraan ayaa magaalada Hamaden ee dalka Iiraan ku xiray nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalkaasi , ninkan la xiray ayaana muuqaalkiisa aad ugu eg yahay ciyaaryahanka Dunida ugu laacibsan ee Lionel Messi.
Reza Parastesh, 00 25-sano jir arda ah ayaa muuqaalkiisa aad ugu eg Meesi, waxa uuna ninkan mashquul badan ka abuuray magaalada Hamaden kadib markii dadka qaar u qaateen in uu yahay Messi ayna ku mashquuleen in sawiro la galaan ninkan.
Ciidamada booliiska ayaa ninkan u eg Messi iyo gaarigiisa ku xiray saldhig booliis si ay u joojiyaan jahwareer badan oo ka dhashya dad badan oo doonayya in ninkan sawiro la galaan maadaama uu aad ugu egyahay Messi.
Booliiska ayaana sheegay in sababta ay ninkan u xireen ay tahay in uu abuuray jahwareer badan ayna dad badan kusoo xoomeen si ay sawiro ula galaan, waxa uuna ninkan noqday nin hada si weyn looga bartay caalamka.
Ninkan u dhashay dalka Iiraan ayaa Warbaahinta Caalamka qabsaday kadib markii si weyn ugu ekaaday Messi, waxa uuna ninkan garka u jartay qaabka Messi isaga oo sameeyay sidoo kale tilaabooyin badan si Messi ugu ekaado.
Bbbb waa lio
Halkaan taagan
Kkkkk