{DAAWO SAWIRADA} Cudurka Ebolla oo mar kale lagu arkay, dadna ku dilay dal ka tirsan Qaarada Afrika

0
35

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in cudurka Ebola uu ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo oo ku yaalla bartamaha qaarada Afrika.

Ugu yaraan labo qof ayuu cudurkaasi ku dilay waqooyi bari dalkaasi sida ay sheegtay hay’adda WHO, isagoo ka dilaacay gobolka Bas-Uélé oo qiyaastii 1,000 Km u jira caasimadda Kinshasa.

Wasaaradda Caafimaadka ee Congo ayaa ku wargalisay hay’adda jiritaanka baaritaan lagu sameeyay bukaanada geeriyooday.

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay daadad ku dhuftay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo
Dowladda Kongo ayaa dalbatay kaalmod deg deg ah oo lala soo gaaro si looga baaqsado inuu sii fido cudurkan.

Sanaddii 2014 ayaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxaa lagu amaanay sida ay ula tacaashaan kiisas cudurka Ebola oo dalkaasi lagu arkay. 50 qof ayaa markaasi cudurkan u dhimatay.

Dad ka badan 11 kun oo qof ayaa u dhintay cudurka Ebola oo ka dilaacay galbeedka Afrika sanaddii 2014 gaar ahaan dalalka Guinea, Sierra Leone iyo Liberia.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here