{DAAWO SAWIRADA} Dabaal Dagyo Waaweyn Ayaa Ka socodo Wadanka Faransiiska Kadib Doorashadii Madaxweynaha Dalkaas

0
22

Waxaa goor dhow la shaaciyey natiijada doorashadii maanta ay u dareereen shacabka dalka Faransiiska taasoo aheyd tii ugu adkeyd ee dalkaas soo marta.

Doorashadan ayaa waxaa ku soo baxay Emmanuel Macron oo ah 39 jir ah kaasoo noqday Madaxweynaha xiga ee dalka France.

Madaxweynaha la doortay Emmanuel Macron ayaa siyaasadda ku soo biirey saddex sano ka hor markaas oo Madaxweyne Hollande ka dhigey Wasiirka Dhaqaalaha.

Macron ayaa tartamey isagoo aan ka socon mid ka mid ah Xisbiyada Faransiiska, iyadoo siyaasadiisu tahay dhex-dhexaad bidix xigta,

Musharaxa guuleystay ee Macron ayaa helay codad gaaraya 65%, halka haweeneydka ka socotey Xisbiga Midigta fog NF Marwo Marine Le Pen ay heshay 35%. Farqigaga u dhexeeya natiijada labada musharax ayaa noqday mid weyn.

Waxaa natiijadani ay soo baxdey wax yar kadib markii la xirey goobaha codbixinta saacadda Paris markii ay ahayd 08:00 fiidnimo.

Haweeneyda Marine Le Pen ayaa dhaqso u qiratey guuldarro, waxay khudbad kooban u jeedisey taageerayaasheeda iyadoo sheegtey inay Teleefon u dirtey Emmanuel Macron uguna hambalyeysay.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here