{DAAWO SAWIRADA} Diyaar Garoowga Maalinta Dhalinyarad Soomaaliyeed Oo Muqdisho Laga Dareemayo Iyo Dayacrir Lagu Sameynaayo Taalada Caanka ah Ee SYL

0
31

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay in dib u dayactir ku sameeyaan taalada SYL ee kutaala magaalada Muqdisho, xili loo diyaar garoobayo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15-ka May .

Munaasabada maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah markii la aas aasay Ururkii Dhalinyarada SYL ayaa la filayaa in Madaxda dalka ugu sareysa in ubax dhigaan halka ay ku taalo taalada SYL ee lagu xasuusto dhalinyaradii gobanimada doonka Soomaalieed.

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa la filaaa in lagu qabto munaasabado waa weyn oo lagu xusayo munaasabada 15-ka may , waxaana diyaar garowga munaasabdaasi si weyn looga dareemayaa Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka kuyaala.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here