{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo la kulmay Taliyayaasha ciidanka Xoogga Iyo Kuwa AMISOM

0
25

Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta kulan wuxuu la qaatay Taliyaha ciidanka Xooga dalka Somaliya Generaal Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo Saraakiisha Booliska.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Dowladda hoose ee Degmada Xamar weyne, ayaa looga hadlay sidii dhinacyadan ay uga wada shaqeyn lahaayeen ammaanka Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, ayaa wuxuu ka dalbaday Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliya, Saraakiisha Amisom iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir inay si wadajir ah uga qayb qaataan suggida ammaanka caasimada.

Saraakiishii kulankaasi ka qayb gashay, ayaa dhankooda muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin ka shaqeynta ammaanka caasimadda Muqdisho, Maamulka Gobolka Banaadirna ay ka gacan siinayaan arintaasi.

 

amniga-5amniga-6amniga-8amniga-1amniga-2amniga-4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here