{DAAWO SAWIRADA} Haweeney Maseyrsan oo cuntay Lacag gaareysa 9-kun oo Dollar

0
26

Haweeney u dhalatay dalka Colombia oo lagu magacaabo Sandra Milena Almeida ayaa cuntay lacag gaareysa 9,000-kun oo Dollarka Mareykanka kadib markii ay ka maseyrtay ninkeeda oo khiyaano ku sameeyay.

Wakaalada Wararka Reuters ayaa ku warantay in haweeneydan oo 30-sano jir ah ay cuntay 9-kun Dollar ay horey u keedsatay kadib markii ay soo oagaatay in ninkeeda uu xariir kale la sameeyay haweenka kaligeedna uusan ku ekeyn.

Sandra Milena Almeida ayaa loola cararay Isbitala kadib markii ay caloosha ka xanuunsatay, waxaana dhaqaatiirta isbitaalka oo baaritaan dheer ku sameeyay ay caloosha haweeneydan ku arkeen in ay ku jiraan waraaqo .

Qaliin lagu sameeyay haweeneyda lacagta u cuntay maseyrka darteed ayaa mandhicirada caloosheeda laga soo saaray lacago dollar ah ay liqday sida uu Warbaahinta u sheegay Agaasimaha qaybta qalliinka ee Isbitaalka Jaamcadda Santander, Juan Paulo Serrano.

Agaasimaha ayaa sheegay in dhacdadan ay keentay niyad jab haweeneydan ay ka qaaday ninkeeda oo khiyaano ku sameeyay, waxa uuna tilmaamay in suurto gal tahay in lacagtan ay liqday haweeneydan uu dhibaato gaarsiiyo mindhiciradeeda.

Lacagtan laga soo saaray caloosha haweeneydan liqday ayaa la sheegay in qaarkood ay fiican tahay lana isticmaalo karo, halka lacagta qaar kale oo badan oo kamid ah ay tahay mid aan la adeegsan karin kadib markii dheecaanka gaastriigga ee caloosha uu waxyeelo gaarsiiyay.

Sandra Milena Almeida oo maseyr darteed lacagta u liqday ayaa sheegtay in ay hada soo kabaneyso, waxa ayna xustay in lacagteeda inta fiican marka ay bogsato in ay ku sameyn doonto dalxiis iyo tamashleyn si ay u hilmanato dhibka soo gaaray.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here